Xiisad u dhaxaysa DG Koofur Galbeed & Maamulka Buurhakaba oo ka taagan Degmadaas

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay waxaa ka taagan Xiisad u dhaxaysa Madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Maamulka Degmadaas, xiisaddaan waxa ay saamayn taban ku reebtay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Magaaladaas.

Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu culays xooggan oo siyaasadaysan uu saaray degmadaas sida uu hadalka u dhigay.

Ibraahim ayaa tilmaamay in Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ay joojisay diyaarado gargaar bani aadamnimo gayn jiray Degmada Buurhakaba maalmaha Arbacada iyo Axadda, markii ay dabagal ku sameeyeen sababtaas oo xiriir ay la sameeyeen madaxda sare ee Dowlad-Goboleedkaas lagu wargeliyay in sababo amni loo joojiyay duullimaadkaas.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Buurhakaba ayuu Guddoomiye Ibraahim Laysaamow xusay in ay iska kaashadeen Shacabka oo si isxilqaan ah ku bixiyay dhaqaalaha lagu hirgeliyay garoonkaas, Kaalinta Maamulka ugu aaddan garab istaagga shaqada Garoonkaasi ayuu xusay in uu ku baddelay xayiraad uu saaray sida uu yiri.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in sababta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ay culayska u saartay Garoonka Diyaaradaha ee Buurhakaba ay tahay ciidamo halkaas lagu tababarayo kuwaas oo la siyaasadeeyay ujeedkooda.

Maamulka Degmada Buurhakaba ayaa ku dooday in ciidamadaas ay qayb ka yihiin kuwa ammaanka isla markaana tababarka lagu siinayo xeendaabka Garoonka Diyaaradaha ay kala siman yihiin Maamullada kale ee Degmooyinka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Israa’iil oo cabsi weyn ka muujisay weerarka Maraykanka uu ku qaadayo Iiraan

Read Next

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay hesho Qalabka Difaaca Hawada?