Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay hesho Qalabka Difaaca Hawada?

Soomaaliya ayaa fursad u heshay in ay kamid noqoto dalalka haysta nidaamka Difaaca Hawada kaddib markii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay nidaamkaas oo lagu keenay diyaarad Militari.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in Nidaamkaan uu kamid yahay qalab ciidan oo casri ah oo loo qorsheeyay in Soomaaliya la keeno si sare loogu qaado awoodda Militari gaar ahaan dhanka Cirka oo la socodka diyaaradaha soo gala muhiim u ah.

Nidaamkaan waxaa lagu magacaabaa ALP 100-G Radar waana mid casri ah oo ay samaysay shirkadda difaaca ee Aselsan si loo xoojiyo awoodaha dabagalka iyo digniinta ee ciidanka Turkiga, waxaana uu horay uga gudbay tijaabooyin la mariyay.

Waxa uu awood buuxda u leeyahay in uu kahortago diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka, Gantaallada joogga hoose ku socda iyo kuwa kale ee duqaymaha loo adeegsado sida ku xusan sooyaalkiisa la kaydiyay.

Turkiga oo doonaya in uu Soomaaliya ka tuuro dayax-gacmeed ayaa todobaadyadii u dambeeyay Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho keenayay qalab Militari oo isugu jira kuwo ay adeegsan karaan Ciidamada Dhulka, Cirka iyo kuwa Badda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xiisad u dhaxaysa DG Koofur Galbeed & Maamulka Buurhakaba oo ka taagan Degmadaas

Read Next

Soomaalida ku nool Minnesota oo dalbatay in magdhow laga siiyo Ciidanka ICE