Soomaalida ku nool Minnesota oo dalbatay in magdhow laga siiyo Ciidanka ICE

Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo dhigay dibadbax cabasho ah ayaa dalbaday in magdhow laga siiyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Ciidamada Socdaalka Dalkaas ee loosoo gaabiyo ICE.

Waxa ay sheegeen in hoos u dhac dhaqaale iyo khasaara ganacsi in ay la kulmeen Ganacsatada yaryar ee Gobolka Minnesota, waxa ay codsadeen in lacag xuquuq ah oo u dhiganta dhibaatooyinkaas soo gaaray la siiyo.

Ka bulsho ahaan waxa ay tilmaameen in muddadii ay dul joogeen ciidanka ICE inay la kulmeen tacadiyo xooggan sida cabsi darteed oo ay ku waayeen macaamiishii wax ka iibsan jirtay si ay uga fogaadaan dhibaatooyinka ay gaysanayaan ciidankaas.

Ciidanka ICE oo fulinayay Amar uga yimid Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa horraantii Bishii December sanadkii 2025 gudaha u galay Gobolka Minnesota, waxa ay gaysteen tacadiyo ka dhan ah Dadka Gobolkaas.

Culayska ka dhashay toogasho ay ku beegsadeen labo qof waxa ay arrintu gaartay heer ay kasoo qaylo-dhaamiyeen Dhibaatooyinkaas Madaxweyneyaashii hore ee dalkaas iyo xubno kale oo isugu jira Xisbga Mucaaradka & Kan talada haya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay hesho Qalabka Difaaca Hawada?

Read Next

Hay’adda Hormuud Salaam oo deeq lacageed ku wareejisay 120 Qoys iyo Xaruunta Maamo Ugaaso