Xiisad ka dhalatay khilaaf u dhaxeeyso Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Cabdiraxiin Muxumad Taakoy Ayaa ka taagan Gudaha Magaalada Baladweyne.
Xiisadan u dhaxeeyso mas’uuliyeenta ayaa salka ku hayso hadal shalay uu Deegaanka Jawiil ka jeediyey Gudoomiye ku xigeenkaAmniga Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakoy balse uu ka carooday Gudoomiye Dabageed.
Hadalkaas ayaa ahaa in Gudoomiye ku xigeenka Amniga Hiiraan uu Jawiil u aqoonsaday Degmo, Halka Yuusuf Dabageed uu kahor yimid sida ay wararku sheegayaan.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay jiray muran u dhaxeeyo Labadaan Mas’uul oo ku kala aragti dheeraaday howlaha shaqo ee ay hayaan sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen Ilo wareedyo.
Khilaaf salka ku haya Maaliyadda Gobolka ayaa Bishii ugu dambeysay sanadkii tagay 2018-kii soo kala dhex galay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Hiiraan.
Ilo wareedyo ayaa Mustaqbal u sheegay in Xiisaddaaan ay ku baxeen xubno isugu jiro Saraakiil, Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan, kan Baladweyne iyo Odoyaasha dhaqanka.
Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah Saraakiisha ku baxday daminta Xiisaddaan oo cirka isku sii shareertay.
Mustaqbal ayaa la xiriirtay dhinacyada is khilaafsan waa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Amniga balse ma suurta gelin in ay ka jawaabaan Wicitaanadeena.
