Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Xiriirka kubada cagta England ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay abaalmarinta xiddigii iyo tababarihii ugu fiicnaa ee bishii August kadib markii bishii ugu horaysay la ciyaaray horyaalka premier League.
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Lucas Moura ayaa ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa ee horyaalka premier League bishii August.
Moura ayaa dhaliyay 3 gool bishii August isaga oo 2 gool ka dhaliyay kooxda Man United kulankii ay Tottenham Old Trafford ku ciqaabtay kooxda Man United ugana badisay 3/0.
Goolka kale ee uu Moura dhaliyay ayey ka dhaliyay kooxda Fulhma kulankii 2-aad ee horyaalka premier League xilli uu haatan ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda Tottenham.
Laacibka reer Brazil ayaa abaalmarintan ku garaacay xiddig kale oo 6 ah oo ka socday kooxaha kale ee premier League kuwaas oo kala ah Marcos Alonso,Neil Etheridge, Sadio Mane,Benjamin Mendy,Roberto Pereyra Iyo Virgil van Dijk
Dhanka kale Tababaraha kooxda Watford ee Javier Gracia ayaa abaalmarinta Tababaraha ugu fiican ku guulaystay kadib markii uu kooxdiisa si lama filaan ah ugu hogaamiyay 4 guulood oo xiriir ah.
Tababarahan ayaa abaalmarintan ku garaacay tababarayaal waaweyn oo magac leh waxaana ka mid ah Jurgen Klopp,Mauricio Pochettino iyo Maurizio Sarri.
