Xi, Trump iyo Putin oo kulan saddex geesood ah ku yeelanaya Shiinaha

Madaxweynayaasha Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka ayaa la filayaa inay markii ugu horreysay yeeshaan kulan saddex geesood ah oo ka dhacaya magaalada Shenzhen ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu ka socdo shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay APEC.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo maanta, iyadoo uu ka dhacayo madasha shirka APEC.

Hoggaamiyeyaasha Xi Jinping, Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabad casho soo dhaweyn ah oo loo sameeyay madaxda shirka ka qeybgalaysa, halkaas oo ay si kooban isu salaameen ka hor inta aan sawir wadajir ah laga qaadin.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamka.

Xi Jinping ayaa kulankaas ka sheegay in Shiinaha iyo Ruushku ay tahay inay hoggaamiyaan isla markaana horumariyaan isbeddelka dunida ee ku wajahan nidaam caalami ah oo ay awoodda ku wadaagaan dalal kala duwan, halkii ay ku koobnaan lahayd hal awood oo keliya.

Kulanka saddex geesoodka ah ayaa imanaya xilli ay jiraan xiisado caalami ah, gaar ahaan dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan, kaas oo sidoo kale saameyn ku yeeshay danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee quwadaha waaweyn.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK

Read Next

Jeneraal Cabdalle Cabdalle oo shaaciyay inuu is casilay