Soomaaliya oo 72 saacadood u qabatay safiirka Imaaraadka inuu dalka uga baxo
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma, u qabatay muddo 72 saacadood ah inuu dalka uga baxo, kaddib go’aan ka soo baxay shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdulfataax Qaasim, ayaa shir jaraa’id ku shaaciyey qaraarro cusub oo dowladda Soomaaliya ay kaga hortagayso faragelinta Imaaraadka, kuwaas oo sidoo kale dhigaya in dib loogu yeero safiirka Soomaaliya u jooga Abu Dhabi.
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka Suudaan iyo Aljeeriya oo iyaguna tallaabooyin diblomaasiyadeed ka dhan ah Imaaraadka Carabta qaaday.
Mustaqbal
