Sacuudiga oo Imaaraadka kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka u dhoofiya Hindiya

Dalka Sacuudiga ayaa Imaaraadka Carabta kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka cayriin u dhoofiya Hindiya, kaddib markii dhoofinta shidaalka Sacuudiga ay kor u kacday bishii Oktoobar, halka tan Imaaraadku ay hoos u dhacday, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xogta ganacsiga shidaalka ayaa muujinaysa in Sacuudigu bishii Oktoobar Hindiya u dhoofiyay celcelis ahaan 790,000 oo fuusto oo shidaal ah maalintii, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay siddeeddii bilood ee la soo dhaafay. Dhanka kale, dhoofinta Imaaraadka ayaa hoos ugu dhacday 612,000 oo fuusto maalintii, waana heerkii ugu hooseeyay muddo toddoba bilood ah.

Ruushka ayaa weli ah dalka ugu badan ee shidaalka u dhoofiya Hindiya, isagoo kaalinta koowaad ku jira, kuna xiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ruushka ayaa bishii Oktoobar Hindiya u dhoofiyay 1.85 milyan oo fuusto maalintii, taasoo u dhiganta ku dhowaad saddex-meelood meel shidaalka ay Hindiya dibadda ka soo iibsato.

Guud ahaan, Hindiya waxay bishii Oktoobar soo dejisay 5.58 milyan oo fuusto oo shidaal ah maalintii, waana rikoor cusub.

Isbeddelkan ayaa imanaya xilli dagaalka Iiraan uu saameeyay isu-socodka maraakiibta shidaalka ee marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, taasoo hakad iyo caqabado ku keentay sahayda shidaalka ee gobolka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Jeneraal Cabdalle Cabdalle oo shaaciyay inuu is casilay

Read Next

Soomaaliya oo 72 saacadood u qabatay safiirka Imaaraadka inuu dalka uga baxo