Xasan Sheekh oo safar dhanka dhulka ah ku maraya dhowr magaalo oo ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay dib u doorashadiisa safar dhulka ah ku maraya magaalooyin ka tirsan maamul gobaleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa, waxaana maanta magaalada gaaray wafdi hor dhac u ah safarka madaxweyne Xasan Sheekh.

Maalinta Sabtida ayaa madaxweynaha gaari doona magaalada Xananbuure halkaas uu tababar ugu soo xiri doona ciidamo cusub kuwaas oo loo tababay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana lagu qiyaasay tiradooda in ay gaarayaan 5,000 oo askari.

Madaxweynaha ayaa halkaas uga sii gudbi doona magaalada Cadaado, isaga halkaas kula kumi doona dadka deegaank iyo madaxda magaalada, waxaana la filayaa in uu booqasho ku tago xarumaha magaalada.

Sida ay ogaatay Mustaqbal Media Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya kii ugu dheeraa ee dhulka ku marayo tan iyo dib u doorashadiisa, waxaana la filaa in uu uga sii gudbo halkaas gobolka Mudug isaga oo siimari doona magaalooyin ka tirsan gobolka, waxaana la qorsheeyay in uu gaaro magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa wehlin doona madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka musharrax madaxweyne Liibaan Axmed Xasan uu wafdiga madaxweynaha ku soo dhaween doona magaalada Gaalkacyo, isaga oo maanta gaaray magaaladaas.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Turkiga iyo howlgalka AUSSOM oo ka wada hadlay dagaalka AS

Read Next

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo iscasilay