Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo iscasilay
Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Cabdullaahi Abuukaate ayaa iska casilay xilkii uu hayey, ka dib markii uu warqadda iscasilaaddiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Warqadda iscasilaadda oo uu u diray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayu uku sheegay in uu si rasmi ah iskaga casilay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.
“Maanta oo taariikhdu tahay 13 Agosto 2026, waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka wasiir ku-xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” sida uu ku yiri warqadda iscasilaadda Wasiirka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa u mahadceliyay madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo yiri, “Waxaan u mahad celinayaa madaxda dalka fursada eey ii siiyeen in aan ugu adeego bulshada Soomaaliyeed.”

Wasiirka ayaan ku muujin warqadda sababta keentay iscasilaaddiisa, balse waxa uu ka mid ahaa maalmimihii la soo dhaafay Xildhibaannada aad ugu ololaleenaysay Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Mustaqbal
