Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo iscasilay
Dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah AS iyo sii wadida taageerada Beesha Caalamka ee Nabadda Soomaaliya.
Kulan ay yeesheen Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Alper Aktaş iyo Madaxa Howlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene ayaa diirada lagu saarey arrimaha Amniga Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa guulaha la gaarey.
War-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen in la iska kaashado dagaalka AS si loo xoojiyo nabadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Turkiga iyo Howlgalka AUSSOM ayaa ku baaqay in diirada la saaro dib u dhiska Ciidamada Soomaalida, si ay awood ugu yeeshaan mas’uuliyad la wareegida Amniga dalka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM ay wajahayaan dhaqaale la’aan.
Mustaqbal
