Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Xildhibaan Sharafeed ayaa waxaa uu maanta ka qeybgalay kulanka Golaha shacabka ay kaga doodayaan xeer hoosaadkooda.
Kulanka maanta waxaa uu ku furmay 173 Xildhibaan,waxaana laga doodayaa gaba gabeeynta doodda xeer hoosaadka Golaha shacabka Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay ee uu Xasan Sheekh Maxamuud fariisto kulanka Golaha shacabka tan iyo markii uu xilka Madaxweynenimo ka degay sidoo kalena noqday xubin sharafeed ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Dastuurka Dalka ayaa qoraya in Madaxweynaha marka uu xilka ka dego noqonayo xubin sharafeed ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,waxaana lagu billaabay Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan ayaa dalka dib ugu soo laabta 30kii Bishii August ee Sanadkan,waxaana uu 30kii Bishii la soo dhaafay ee September Muqdisho uga dhawaaqay Xisbi mucaarid ah.
