Weraryahanka reer Prazil Wiliam aya sheegay inuu qaati ka tagaanyahay falsafada cusub ee tababare Zari.
Macalinkii hore ee Napoli ayaa xilka Blues ka dhaxlay Antonio Conte oo la ceyriyay wuxuuna dib u hagaajin ku sameeyay sida ay tababarka u sameyso Chelsea.
Falsafada Sarri ayaa ah mid ku dhisan baas iyo in kubbad la heysto ilaa iminkana si wacan ayay u shaqeysay.
Laakiin, Willian ayaa dhaliilsan tababarka Galbihii la soo xaadiro maadaama uu sheegay inuu waayay waqti uu caruurtiisa kula sheekeysto isagoona arinta ka hadlaya ayuu yiri”
“Dabcan, waxaan doorbidayaa inaan subixii tababarka sameeyo maxaa yeelay tababarka kaddib waxaad la joogi kartaa reerkaaga, ” Willian ayaa sidaa u sheegay The Times.
“Marka aan tababarka sameynayo galbihii, caruurteyda guriga ayay aadayaan markii aan anigu imaadana waxay cunayaan Casho dabadeedna sariirta ayay aadayaan.
“Sidaa darteed wax yar ayaan arkaa gabdhaheyga, taasi waa sababta aan u doorbidayo Tababarka Subixii ayuu yiri Wiliam oo ka hadlayay falsafada sari.
