Website lagu diiwaangeliyey laguna sameeye magaca Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhaliyey hadalhayn badan oo dhinaca baraha bulshada ah.
Warbaahinta Soomaaliya qaarkeed ayaa tebineysay todobaadkan inuu jiro website lagu diiwaan-geliyay magaca Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaas oo leh ciwaanka Hassankheire2020.com
diiwaangelinta iyo sameyntawebiste-kan ee xilligan ayaa loo fahmay mid kusaabsan ololaha doorashada ee 2020 lagu wado in ay kadhacdo Soomaaliya, balse madax kamid ah xukuumadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in ololaha doorashada ee xukuumadda iyo xisbigeeduba aanay ahayn wax qarsoodi ah balse aan weli la gaarin xilli olole iyo doorasho midna.
Hosting-ka webka waxa laga diiwaangeliyey shirkadda adeegga Website-ka ee Amazon Web service oo fadhigeedu yahay Jarmalka, waxaana suuragal ah in haddii aan diiwangelinta webkan ee Raisalwasaare Kheyre aanay xaqiiqo ahayn in dhinacyo kale oo tartan iyo xurguf siyaasadeed kala dhexeyso ay sameysteen webkan iyaga oo adeegsanay magaca Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre .
ilo kudhow xafiiska Raisalwasaaraha ayaa xaqiijiyey in webkaasi yahay mid been abuur ah (Fake website)

