Jamhuuriyadda Tataristan ee Islaamka ah Magaala madaxdeedu waa Kazan, Dadkeeduna waa 3.8 Million, waxa ey ka tirsaneyd Midawegii Sufyeeti, markii burburkii dhacay iyaga looma ogolaan in ey ka Go’aan Ruushka, sababta oo ah tira ahaan waa yar yihiin, Dulkooduna waa Barwaaqo, waxaana mara wabiga Yurub ugu weyn, waxa eyna leeyihiin 23 Ceel oo shidaal ah.
Waxaa yaal Kitaabka Qur’aanka oo Aduunka ugu weyn, dhirirkiisu waa 2mitir, dhinacna waa 1.5 Mitir, dadabna waa 25 Cm. Culeyskiisu waa 800 kiilo, waana 623 Bog. Dusha (Cover-ka) waxaa uga hardhan Macdan qaali ah iyo Dahab. Sii loo kala furana waa in dhowr Qof ey isla qabtaan warqada. ( Fiiri Sawiradda: 1, 2, 3 & 4aad).
Masjidka Qol Rif , markii la dhisayay kun sanno ka hor sannadkii 922 Miilaadiyada, waxa uu ahaa, masjidka ugu weyn yurub marka laga reebo kuwa Istanbul. Fiiri masaajidda Taariikhiga ah ( F.M:5—11aad).
Magaalada uu ku yaal oo xooga ka fog Caasimadda Kazan, ayaan aadnay inkastoo waqti hore aan tagi karnay haddana habeenkii magaala kale oo daxda ku taal ayaan seexanay, subaxdii kale ayaan tagnay. Bolgar waa magaalo taaiikhi ah, weli dhulka waxaa laga qodayay Masaajid berri hore ku aasantay.
Tataristan waxa ey leedahay Madaxweyne, Baarlamaan iyo Gole wasiiro oo u gaar ah inkasta oo ey hoos tagaan Dowladda Moosko, Madaxeynaha oo shirkii Muslimiinta oo baadiyaha ka dhacay aan ku kulanay waa ninka gaaban ee dhaxda ku fadhiyo.( F.S: 12aad).
Dhulka baadiyaha ah waxa ka muuqda nolol wanaagsan, dadkuna waxa ey ku mashquulsan yihiin Tacab, welina dhaqankoodii kana tagin( F.S: 13—-19aad).
Gabar Muslimad ah oo Jaamacad ka barata Shuruucda Caalamiga ah (International Law) ayaa ii suura galisay in aan tago qayba badan oo Dalka ka mid ah.
Waalidkeed markii aan ugu tagayay Gurigooda waxa la ii soo dhaweeyay sidii qof Fariin diiniya u wado oo loo soo diray, waxa uu wax badan iga weeydiinayay diinta islaamka.
Markii aan ku iri: Somaliya waa Dal 100% Islaam ah aad ayuu ula yaabay, waxaan ka baqayay in uu u weeydiiyo, haddii aad 100% Muslim tihiin maxaad isku dileysiin?. laakin Nasiib wanaag weligii ma maqal Somaliya, waxa uu yaqiin Erayga ( Samaaliyoot) oo Af kooda macnihiisu yahay Dayaarad.
Inta badan Gabadhiisa oo Af Ingriiska taqiin ayaa noo kala tarjumeeysay , laakin anna waxaan ku hadlayay Af- Ruush jajab ah oo aan weli xasuusto kaa oo aan ku bartay Xaruntii Dhaqanka Ruushka ee Xamar anniga oo aan weli qaan gaarin, la igana siiyay shahaadu Turjubaan, in kastoo ey aheyd markii iigu horeysay oo aan tago Dalka Ruushka, haddana Luuqada aad Caruurnimada ku barato badanaa lama hilmaamo.
Aabihii waxa uu igu yiri: waqtigii Shuuciyadda Shanta Salaadood waxaan Dukan jiray Habeenkii hal mar, weliba markii ey caruurtu seexdaan si eynan u ogaan Dowladii shuuciga aheyd. Waqtigii hore Kitaabka Qur’aanku waxa uu ahaa Suuq madoow ( contraband ) Qofkii lagu arko waxa uu galayay xabsi uuna dib uga soo noqoneyn oo lagu dilayo. Dadku wixii laga celiyo ayey raadiyaan, waxa uu ahaa Kitaabka Qur’aanku mid aad u qaali ah qiima ahaan, dadkuna muddo ayey Lacag urursan jireen si mar un ey u helaan Kitaabka Qur’aanka, waxaana Badanaa si qarsoodi ah looga soo galin jiray dhinaca Turkiga.
waxa ey ahaayeen Dad muddo dheer ka hor uu Turkigu uu u geeyay Dariiqada Suufiyadda. Muddo dheerna laga hortaagnaa Islaamka, hamuuna u qabay Barashada Diinta ey rumeysan yihiin. Waxaa ku yaacay Culumo ka timid Caalamka Islaamka, kuwa Afrika ka tagay oo leh si eyna Gabdhihiina u guursan Gaalada idinla nool Guursada Hal xaas ka badan taa oo ku cusub, iyo in ey Gabdhaha Gudaan oo iyana ku cusub, waxa kale oo tagay Culumo Wahaabiya ah oo Sucuudiga ka timid iyo Kuwa kale oo yurub ka soo yaacay oo wada leh Islaamka ayaan idin Bareynaa.
waxaa iiga muuqday iney ku wareersan yihiin Firqooyinkan Badan ee wada Islaamka ah oo eynan hore u maqal. Waxaa kale oo ku sii badanaya dhaqana kale oo Yurub ka yimid iyo Dhalin yaro Dhafoorada xiiraneeyso iyo kuwa Jirkooda wax ku qorayo, si looga dhumiyo dhaqankoodii hore kadibna reer yurub ey ku daysadaan. Ogaanteey sooma gaarin Mad-habta Shiicadu.
Sida ey Diinta u ilaalinayaan, waxaa la i tusay Guri Boolisku ey muddo dusha ka ilaalinyen markii la arkay in Rag kaliya ey ka soo baxayaan oo Dukaamada ka soo adeegayaan ,Dumar iyo Caruurina eyna ka soo baxeyn, Lix sanno kadib ayuu Bolisku galay waxaana loogu tagay Dumar iyo Caruur. Raggii ku jiray Gurigu, Waxa ey yiraahdeen Aduunyadu waa sii xumaanee waxaan diideynay in nalaga Fasahaadiyo ,waxaana door bidnay in ey halkooda ku bartaan diinta islaamka oo kaliya.
Waxaa la igu yiri: Haweenkooda waxaa lagu Tilmaamaa Haweenka ugu qurxan Aduunka ,taasi waa ka muuqataa marka aad si guud u fiiriso Hablahooda. Mar kasta oo aad Guryaha Galeysid ama Xarumaha waaweyn waxaa irida kaaga Hor imaanaya Gabdho ama wiilal yar yar oo Gacnta ku sido Macmacaan ey kugu soo dhaweynayaan. ( F.S:20—23aad).
Islaamka Alla ha mideeyo, meel kasta oo ey jooganna Alla haku badbaadiyo, Quluubtoodana Alla ha isku soo Dumo.
Qore: Yahya Amir




















