Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah oo bilaabanaysa Khamiista, kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) oo milatari ay ku burburtay gobolka Ashanti, iyada oo ay ku geeriyoodeen 8 qof oo ay ku jiraan laba wasiir.
Afhayeenka madaxtooyada, Felix Kwakye Ofosu, ayaa sheegay in Madaxweyne Mahama uu sidoo kale joojiyay dhammaan hawlihiisii rasmi ahaa ee usbuuca intiisa ka dhiman, isagoo muujinaya tacsida iyo murugada dhacdadani keentay.
Shilka ayaa dhacay subaxnimadii Arbacada, kadib markii diyaarad nuuca helikobtarka oo ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Ghana ku dhacday deegaan u dhaw magaalada Accra.
Dadka ku dhintay shilka:
- Dr. Edward Kofi Omane Boamah – Wasiirka Gaashaandhigga
- Dr. Ibrahim Murtala Muhammed – Wasiirka Deegaanka, Sayniska, Teknolojiyadda & Horumarinta
- Alhaji Muniru Mohammed – Ku-simaha Kuxigeenka Kooxda Qaranka ee Amniga
- Dr. Samuel Sarpong – Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga NDC
- Mr. Samuel Aboagye – Musharax hore oo baarlamaan
- Squadron Leader Peter Bafemi Anala – Duuliyaha
- Flying Officer Manaen Twum Ampadu – Kaaliyaha duuliyaha
- Sergeant Ernest Addo Mensah – Sarkaal ciidan
Waxaa la sheegay in wafdigu uu ku sii jeeday magaalada Obuasi si ay uga qeybgalaan furitaanka Barnaamij lagu dhiirigalinayo dadka qoda Macdanta.
Sidee qaar kamid ah Madaxda Afrika uga tacsiyeeyeen dadka ku dhintay shilka?
Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa sheegay in dhacdadani tahay mid xanuun badan, wuxuuna tacsi u dirays shacabka iyo dwladda Chana.
Madaxweynaha Sierra Leone ayaa isna yiri: “Dadka Sierra Leone waxay garab taagan yihiin shacabka Ghana xilligan murugada leh.”
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa shilka ku tilmaamay masiibo qaran, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay.
Dowladda Ghana waxay shaacisay in hoos loo dhigay calankaasi, waxaana la baaraya waxa rasmiga ah ee sababay shilka diyaaradeed.
Mustaqbal
