MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo muddo todobaad ah ka socday deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Danjire Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay ‘AS’ isku dayday beegsiga deegaanno muhiim ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe balse Ciidamada Xoogga Dalka oo helay xogtooda ay fuliyeen howlgal ballaaran oo ay ku dileen ilaa 150 xubnood sida uu yiri.
Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in howlgallada ka dhacay Deegaan Jasiiradeedka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay ‘AS’ isaga oo bogaadiyay ciidamada iskaashaday ee Federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas.
Dowladaha Turkiga iyo Maraykanka ayuu uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada howlgallada fuliyay oo ay ku caawiyeen duqaymo cirka ah iyo taageerrada agabka Ciidan ay adeegsanayeen sida uu hadalka u dhigay.
Mustaqbal
