Wasiirka Amniga Soomaaliya “AS ayaa gubay suuqyo badan oo ku yaalla dalka”

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Cali Fartaag ayaa AS ku eedeyay in ay gubeen suuqyada ku yaalla dalka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayey tababar ku saabsan xiriirka bulshada iyo booliska ayaa sheegay in dowladda oggaatay in AS ka dambeyeen gubida Suuqyo badan.

“AS waxaa ay billaabeen in ay gubaan ganacsiyada iyo suuqyada, xalay waxaa u dambeeyay Suuqii  Garasbaaley, waxaa ka sii horreeyay Suuqyadii Safo iyo Marwo ee ku yaallay Ceelasha Biyaha” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Sidoo kale, wasiirka ayaa bulshada ugu baaqay in ay ciidamada amniga kala shaqeeyaan amniga.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse iyo dhigiisa Masar oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal

Read Next

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo isku khilaafay bixitaanka ciidamada Itoobiya