Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir Taliyayaasha Booliska iyo Wasiirka amniga ayaa kulan ay kaga hadlayeen Amaanka caasimada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen Magaalada.
Kulankan oo uu shirguddoominayya Guddoomiyha Gobolka Banaadir ayaa waxaa la iskula soo qaaday guulaha laga gaaray howlaha xaqiijinta amniga Caasimadda.
C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in amaanka Muqdisho qeyb ahaan lagu guuleystay hayeeshee waxaa uu qiray in ay wali caqabad jirto.
Waxaa uu sheegay in sugidda Amniga Gobolka Banaadir ay la kaashanayaan dadweynaha Magaalada iyada oo taasna ay bar bar socoto howlaha deriseynta ah ee uu Maamulku wado sida uu hadalka u dhigay.
Dadka kulanka ka qeybgalay waxaa ka mid aha Wasiirka Amniga Soomaaliya Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Gobolka Banaadir, ku xigeennada Yariisow iyo saraakiil ka socotay Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
