Puntland oo cabasho ka muujisay Guddoomiyaha cusub ee Bangiga dhexe

Madaxweyne Deni oo ku sugan Carmo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay maamulkiisa ku sameysay sadbursi Guddoomiyaha Bangiga dhexana ay xaq u lahayd Puntland.

Siciid Deni ayaa sheegay in iyada oo hanaanka loo maray magacaabista Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee SOomaaliya ay khaldan tahay haddana aan wax wadatashi ah lagala sameyn Maamulkiisa.

Deni ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka ah ay waddo ku tagri fal awoodeed marka loo eego habka magacaabista xilalka muhiimka ah ee talada ay ku leeyihiin dowlad Goboleedyada dalka ka jira,

Waxaa uu intaas raaciyay in Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dhawaan la magacaabay uu ka soo jeedo Somaliland xilkaasna ay lahayd Puntland taas oo uu sheegay in xitaa isbeddelkaas lagu sameeyay xilka aan lagala tashan dowlad Goboleedka Puntland.

Web master

Read Previous

Shirka dowladda iyo dowla Goboleedyada oo ka dhacaya Garowe

Read Next

Wasiirka Amniga iyo Taliyayaasha Booliska oo kulan ka yeeshay amniga Muqdisho