Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo la xiriiray in diyaarado dagaal ay ka tageen Garoonka Boosaaso, isla markaasna ay aadeen Dalka Suudaan.
Wasiirka oo ka qeyb galay kulan su’aallo ay ku waydiiyeen Senetarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay jiraan diyaaradahaasi ay aadeen dalka Suudaan, balse aan laga heyn faahfaahin.
“Dadka Soomaaliyeed hortooda waxaan ka xaqireynaa in ay jiraan diyaarado ka duula garoonka Boosaaso oo aada Suudaan, laakiin magaraneyno waxa ay qaadaan oo geeyaan” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Warbaahinta ayaa maalmihii u dambeysay hadal haysay diyaarado ka yimid Imaaraadka oo Boosaaso ku degay, ka dib kaga sii gudbay dalka Suudaan, halkaas uu ka socda dagaal u dhaxeeya ciidanka dalkaas iyo kuwa RSF.
Dhinaca kale, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dalkeena Amnigiisa aysan ku filleyn ciidanka howlgalka AUSSOM, balse loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Inta dowladaha dariska nala ah ay ciidamadooda dalka joogaan, dalka in uu amni noqdo way adkaanaysaa.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli billaawgii sannadkan la cusbooneysiiyay muddo xileedka ciidanka howlgalka AUSSOM.
Mustaqbal
