Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ah ay mamnuucday in Dekadaha dalka laga soo dejiyo dawooyinka Cudurka Qaaxada ama TB-da.
Wasiirad Fawsiya ayaa sheegtay in Xafiiskeeda ay taallo warqad ay saxiixday oo ay ku mamnuuceysay in dadka ka ganacsada Daawada aysan Daawada Cudurka Qaaxada ka ganacsan Karin sidoo kalena dalka keeni Karin.
Fawsiya waxaa ay sheegtay in Dawooyinka Cudurka Qaaxada uu bilaash yahay islamarkaana laga helo karo Goohaba caafimaadka sidaas darteedna ay sharci darro tahay in laga ganacsado.
Dhinaca kale waxaa ay sheegtay in Isbitaallada Dowladda ay la wareegayaan islamarkaana ku shaqeyneyso dowladda sida ay xusttay.
Waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in inta badan Isbitaallada Dowladda ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama Hay’ado aan dowli ahayn,kuwaas oo ay sheegtay in laga wareejinayo.
