Wasiir 44 jir ah oo u fariistay Imtixaanka Dugsiga Sare

Dalka Koofurta Suudaan waxaa shalay ka billowday Imtixaanka Guud ee Dugsiyada sare,waxaana indhaha soo jiitay wasiir ka mid ah xukuumadda dalkaas oo Imtixaanka u fariistay.

Wasiirka Waddooyinka iyo dhismaha  Abraham Majak Makur ayaa ka mid ahaa ardeyda kumanaanka ah ee u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare.

Ehelkiisa ayaa u sheegay Warbaahinta in sanadahii 80meeyadii uu ku dhacay Imtixaanka dugsiga sare laakiin uu dhowr jeer soo qabtay xilal kala duwan oo dowladeed.

Waxaa uu hadda wasiir ka yahay Gobolka Lake State,waxaana uu shalay u fariistay Imtixaanka Dugsiga sare,ka horna ma heysan wax shahaado ah.

Dad badan ayaa is weydiinaya sida wasiirnimadu ku helay haddiiba uusan heysan Shahaaddo Waxbarasho oo u oggolaaneysa shaqada Dowladda.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Wafdi ka socda Shiinaha oo lakulmay Madaxweynaha Puntland Deni.

Read Next

Wafdi ka socda Puntand oo gaaray Baydhabo.