Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Wafdi ka socda Maamulka Puntland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarun Kumeel gaar ah ee Koofur Galbeed waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta ka tirsan KGS.
Wafdiga Gaaray Baydhabo waxaa hugaaminaayay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed,waxaama Garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Labbada Golle ee Maamulka KGS oo uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiiqunaa Mayee.

Ujeedka wafdiga ka socda Puntland ayaa ah in ay ka qeyb galaan Xaflada Caleema saarka ah ee Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo lagu wado maalinta bari ah in lagu caleemo saaro Magaalada Baydhabo.

Baydhabo waxaa lagu wadaa in gaaraan Masuuliyiin ka socota Dowlada Faderaalka Soomaaliya si ay ugu qayb galaan Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka KGS. Cabdicasiis Laftagareen.
