Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in aysan jirin Walwal laga qabo Cudurka Ebola.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiya Abikar Nuur ayaa sheegtay in aysan jirin walwal Soomaaliya looga qabo Cudurka Ebola.

Waxa ay ka warcelisay Dareenka shacabka ah eek u aadan Xannuunka Ebola, maadaama dalka ay soo galaan Dad ajaanib ah iyo Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Walaaca ayaa yimid kamid markii Dalka Uganda oo Soomaaliya Ciidamo ka joogaan laga helay qof qaba Xanuunka Ebola.

 

Ururka Dhaqaatiirka Soomaaliyeed oo Mustaqbal la hadlay waxa ay Dowladda Federaalka ka dalbadeen in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde la geeyo dhaqaatiir tababar wanaagsan la siiyay oo baaraya dadka ka imaanaya dalalka laga diiwaangeliyay Kiiska Ebola.

Dhanka kale waxa ay soo jeediyeen in la sameeyo goobo u gaar ah oo lagu heynayo dadka ka imaanaya Wadamada laga diiwaangeliyay Kiiska Xannuunkaan lagunaha hayo mudada xilli huuriska Ebola lagu ogaado sida uu hadalka u dhigay.

 

Web master

Read Previous

Kenya oo dacwad la xiriirta muranka badda ka gudbineysa Norway iyo UK

Read Next

Galmudug oo sheegtay in la qabtay dadkii 4ta qof ku dilay duleedka Dhuusamareeb