Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in shuruud la’aan la joojiyo Dilalka la xiriira Aanooyinka

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay dilalka aanooyinka iyo dagaallada beelaha walaalaha ee kasoo cusboonaaday qaybo kamid ah Dalka.

Wasaaradda ayaa ku baaqday in shuruud la’aan loo joojiyo falalka kahor imaanaya diinta Islaamka ee ka dhacaya qaar kamid ah Gobollada Dalka, waxa ay ku baaqday in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaas.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada dhacdooyinkaan ka dhaceen ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqday in ay gacan adag ku qabtaan qof weliba oo ka shaqeynaya ama ku howlan falalkaas.

 “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxay ka xuntahay colaadaha iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka” ayaa lagu sheegay Warka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

“Wasaaraddu waxay ku baaqeysaa in si shuruud la’aan loo joojiyo dilalka, beegsiga iyo guud ahaan colaadaha sokeeye, waxayna fareysaa hey’adaha amniga in si degdeg ah loola xisaabtamo kuwa ku lugta leh falalkaas foosha xun ee ku kacaya iska horkeenidda shacabka iyo kicinta bulshada” ayaa lasii raaciyay Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS.

Odoyaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka & cid weliba oo gacan ka gaysan karto soo afjaridda dhibaatooyinka ka dhanka ah Bulshada ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya usoo jeedisay in ay kaalintooda ka qaataan daminta colaadahaas.

“Wasaaraddu waxaa ay ugu baaqeysaa Dowlad Goboleedyada, iyo guud ahaan qeybaha bulshada sida; Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, Haweenka iyo waxgaradka deegaannada colaaduhu ka socdaan in ay u istaagaan joojinta iyo daminta colaadaha, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

May be an image of text

 

Qaar kamid ah Gobollada Dalka waxaa laga soo warriyay falal kahor imaanaya Diinta kaddib markii dad birimageedo ah ay beegsadeen kooxo hubaysan, waxaa ugu dambaysay dhacdadii shalay ee Nin dhimirka ka xannuunsanaya oo la dilay kaddibna la gubay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Suuriya oo la kulmaya dhiggiisa Maraykanka Donald Trump

Read Next

Howlgallo ka dhacay gobolka Bakool oo lagu dilay madaxii Xisbada AS