Howlgallo ka dhacay gobolka Bakool oo lagu dilay madaxii Xisbada AS

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgallo is xigxigay oo ka kala dhacay Gobollada Bakool iyo Baay ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed lagu dilay xubno katirsan ‘AS’

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu horrayn sheegtay in howlgal ka dhacay tuulada Aba lee qiyaastii 21 km uga beegan koofurta Magaalada Xudur xarunta Gobolka Bakool lagu dilay madaxii Xisbiga ‘AS’ ee Gobolkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed (Goofoow).

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay Tuulada Waro Mintaaniya oo 14 km u jirta deegaanka Burjeet ee Gobolka Baay waxa ay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay tilmaamtay in lagu dilay labo xubnood oo lagu kala magacaabo Yaxye Abuu Khaalid & Shariif (Amiir), labadaan xubnood ayaa ka shaqeynayay abaabulka weerarro sida hadalka loo dhigay.

Halkaan ka aqriso xogta dheeraad ah ee Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in shuruud la’aan la joojiyo Dilalka la xiriira Aanooyinka

Read Next

Carruur ku geeriyootay dab ka kacay gurigooda