Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo colaad beeleedka Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha maleeshiyaadkooda ku dagaalamaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu baaqay maleeshiyaadka hubaysan in shuruud la’aan ay kusoo afjaraan colaadda ka dhex jirta ee sababtay dhimashada, dhaawaca, khasaaraha hanti, barakaca iyo cabsida la xiriirta aanada.

Wasaaraddu waxa ay fariin furan u dirtay cid weliba oo gacan ka gaysan karta xal u helista dagaalladaas in ay kaalinteeda ka qaadato si looga hortago khasaare horleh oo ka dhasha xiisadda labada beel sida hadalka loo dhigay.

Muuqaallo ku faafay baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqday Rag hubaysan oo dab qabadsiinaya guryo nooca ay dhistaan Dadka reer miyiga ah, waxa ay qaarkood ku dhawaaqayeen hadallo sii kordhinaya dhiillada taagan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Qamarada Midoobay oo faahfaahisay heerka uu gaarsiisan yahay Barakaca

Read Next

Sacdiya Yaasiin oo si KMG ah ula wareegtay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka