Sacdiya Yaasiin oo si KMG ah ula wareegtay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si kumeel gaar ah ula wareegtay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka dib markii uu jagadaasi banneeyay Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Shiikh Aadan Maxamed Nuur.

Munaasabad ka qabsoontay Xarruunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaasna ay goob jog ahaayeen Xubnaha Guddiga Joogtada ayay xilka kula wareegtay Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada.

Sidoo kale, Sacdiya ayaa u mahadceliyay Shiikh Aadan Madoobe, gaar ahaan dadaalladii uu ku bixiyay ansixinta shuruucda saldhiga u aheyd dowladnimada dalka sida Dhammeystirka Dastuurka.

Sacdiya Yaasiin ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah, taasi oo qabatada jagadaan sare ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaasna noqon kara ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriaydda.

Maalmaha soo socda ayaa la qorsheynayaa In la qabto Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo ay Musharixiinta xilkaasi billaabeen loolankooda sida ay u heli lahaayeen codadka 275ka mudane.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo colaad beeleedka Gobolka Hiiraan

Read Next

Xiriirka Kubadda Cagta ee Kuwait oo si rasmi ah u casuumay Garoose Cumar Cartan