MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir iyaga oo qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.
Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa Xaqiijiyay in Miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada Gaashaan ay ahaayeen ku aasnaa dhulka, miinooyinka ayuu tilmaamay in la doonayo in la qarxiyo.
Xaafadda Baar Ubax ee degmada Warta nabadda oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa waxaa laga sameeyay howlgal qorsheysan oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday rag la tuhun sanyahay oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.
Ciidamada Gaashaan ayaa inta badan waxa ay fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee lagu beegsado Xubnaha Shabaabka ka tirsan.
Inta badan Gaashaan ayaa hawlgalkooda wuxuu ku saleysan yahay mid ay ku hagaan taleefoonada gacanta ee GPRS lagu xiro.
