Wariye Bashiir Maxamed oo u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray dagaal ka dhacay Baydhabo

Bashiir Maxamed Cabdullaahi oo katirsan Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baydhabo kana howlgalla Warbaahinta Arlaadi ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii Magaaladaas ka dhacay 3dii Bishaan.

Wariye Bashiir ayaa lagu daweynayay Isbitaalka Magaalada Baydhabo waxaana socday dedaallo kala duwan oo lagu doonayay sidii Muqdisho loogu soo wareejin lahaa si uu u helo daryeelka Caafimaad ee dheeraad ah uu u baahan yahay.

Wariyaha ayaa la xaqiijiyay in uu u dhintay dhaawacaas soo gaaray iyada oo ehelkiisa ay tacsi u direen Suxufiyiin, Mas’uuliyiin Dowladeed, Siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada aqoonta u lahayd Marxuum Bashiir Maxamed Cabdullaahi.

Allaha u naxariistee Bashiir Maxamed waxa uu kamid ahaa 71 qof oo ku dhaawacmay dagaalkii Khamiistii ka dhacay Magaalada Baydhabo, weli Goobaha Caafimaadka waxaa jiifa Dad kale oo la dhaawacmay Marxuumka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Shidaalka Maraakiibta lagu shubo oo sii yaraanaya

Read Next

Sayga Madaxweynaha Tanzania oo geeriyooday