Wargeysyada Caalamka iyo Waxyaabaha ay ciyaaraha ka qoreen.

Kooxda Crystal Palace ayaa dalab 40 Milyan oo euro ah ka diiday kooxda Man United oo ay kaga doonaysay saxiixa daafaca Aaron Wan-Bissaka (Sky Sport).

Kooxda Man United ayaa da,yarka Joao Felix u soo bandhigtay heshiis uu mushahar ahaan ugu qaadan karo lacag dhan 26 milyan oo euro (Record).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa wadahadalo la qaatay xiddigiisii hore ee Thomas Meunier si uu u helo adeegiisa xagaagan (Express).

Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Man City ee David Silva ayaa heli doona kulan macasalaamayn ah sanadka dambe marka uu dhoco heshiiskiisa Man City (Sun).

Kooxda Chelsea ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Leon Bailey (Mail).

Kooxda Man United ayaa bilowday diyaarista badalka xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyaga oo doonaya saxiixa xiddigaha Christian Eriksen & Youri Tielemans si ay buuxiyaan booska xiddiga reer France (Standard).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa shaaca ka qaaday in uu Cristiano Ronaldo ka dalbaday in uu kula biiro Kooxda Juventus xagaagan (NOS).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes (Star).

Kooxda Atletico Madrid ayaa dalab 40 milyan oo euro ah ku doonaysa xiddiga garaba uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Suso si ay badal ugu dhigaan xiddiga Antoine Griezmann (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa suuqooda xagaagan ku soo Afjari doona saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Paul Pogba ama Christian Eriksen (Mail).

Man United oo iska diiday heshiis isku badalasho ah oo ay Inter Milan u soo bandhigtay xiddiga Ivan Perisic si ay iyaguna u helaan weeraryahanka Romelu Lukaku (Gazzetta dello Sport).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Ciidanka Puntland oo dib u qabsaday Af urur

Read Next

AMISOM trains officials tasked with vetting police recruits in Lower Shabelle