Wargeysyada Caalamka iyo waxyaabaha ay Ciyaaraha ka qoreen.

Kooxda Man United ayaa bartilmaameedsan doonta xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham ee Kieran Trippier inkasta oo ay ka cabsi qabaan in lagu qiimeeyo lacag badan (Mirror).

Kooxda Man City ayaa bartilmaameedsanaysa saddex xiddig oo khadka dhexe ah oo ay ku badasho Fernandinho Xagaagan iyaga oo bartilmaameedkooda 1-aad yahay xiddiga Atletico Madrid ee Rodri(Manchester Evening News).

Kooxda Real Madrid ayaa Man United u soo bandhigtay saxiixa xiddigaha Theo Hernandez, Keylor Navas Iyo Isco si ay iyaguna u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (AS). 

Kooxda Barcelona ayaa heshay rajo cusub oo ay ku helayso saxiixa xiddiga daafca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kadib markii ay Man United ka baxday tartanka xiddiga (Sport). 

Kooxda Tottenham ayaa Real Madrid kula biirtay saxiixa weeraryahanka Luka Jovic (Don Balon).

Daafaca Kooxda Atletico Madrid ee Filipe Luis ayaa ku dhaw in uu si xor ah ugu biiro kooxda Barcelona xagaagan (Marca).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe (Express).

Kooxda Man United ayaa dalban doonta lacag dhan 75 milyan oo euro si ay u iibiso goolhayeheeda David de Gea xagaagan (Sun).

Weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa ogolaaday in uu si weyn hoos ugu dhigo mushaharkiisa si uu ugu biiro kooxda Inter Milan xagaagan (Express).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa daafaca bidix ee kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri si ay uga dhigto saxiixa ugu horeeya ee Maurizio Sarri (Express).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Barcelona oo Spain ka heshay badalka Suarez, Waa kuma?

Read Next

Midowga Yurub oo wakiil cusub u soo magaabay Somaliya