Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Kooxda Man United ayaa xiriir la samaysay kooxda Leciester city iyaga oo ku war galiyay in ay diyaar u yihiin in ay 65 milyan miiska saaraan si ay u helaan daafaca reer England ee Harry Maguire oo 25 jir ah (Mirror).
United ayaa sidoo kale xiriir la samaysay kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt iyaga oo ka doonaya xiddiga garabka ka ciyaara ee Ante Rebic oo 24 jir ah (Mail).
Liverpool ayaa heshiis laba sano ah iyo hal sano oo dheeraad ah ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyaara xulka qaranka Craotia iyo Kooxda Besiktas ee Domagoj Vida Iyaga oo haatan kooxda Besiktas kala hadlaya qiimaha kama dambaysta ah ee xidiga (A Spor).
Real Madrid ayaa heshiiska shaqsiga ah la meel dhigtay Goolhayaha kooxda chelsea iyo xulka qaranka Belguim ee Thibaut Courtois (Mail).
Kooxda Roma ayaa dhigeeda chelsea ku cidhiidhinaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Leon Bailey oo 20 jir ah kadib markii ay Malcom u waayeen Barcelona (Evening Standard).
Kooxda chelsea ayaa la socota xaalada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lazio iyo xulka qaranka Serbia ee Sergej Milinkovic-Savic iyaga oo ka fiirsanaya in ay la soo saxiixdaan 23 jirka (Independent).
Kooxda Real Madrid ayaa laga yaabaa in ay dalab 100 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG iyo xulka Uruguay ee Edinson cavani oo 31 jir ah si ay ugu badalaan Cristiano Ronaodo (As).
Tababaraha Kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa doonaya in ay kooxdu iibiso xiddiga garabka uga ciyaara ee Anthony Martail kadib markii uu xiddigu dib ugu laabtay England si ilmo cusub ugu soo dhaweeyo adduunka (Mail).
Kooxda chelsea ayaa wayday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda CSKA Moscow ee Aleksandr Golovin kadib markii uu ogolaaday in uu heshiis shan sano ah u saxiixo kooxda Monaco (Express).
Kooxda Bayern Munich ayaa kooxaha Barcelona,Man United iyo Man city u sheegay in ay iska iloobaan saxiixa xiddiga Thiago Alcantara maadama uuna xiddigu iib ahayn xagaagan (Abendzeitung).
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa si cad maamulka kooxdiisa ugu sheegay in uu doonayo in uu ka tago kooxda xagaagan iyo Arsenal & Liverpool oo heegan galay (Cadena Cope states).
Kooxda Barcelona ayaa qoraynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Senegal ee Moussa Wague kadib markii uu qaab cajiib ah soo bandhigay koobkii adduunka (Mundo Deportivo).
Kooxaha Man United iyo Real Madrid oo loo soo bandhigay saxiixa xiddiga Malcom ka hor intii uuna ku biirin kooxda Barcelona (AS).
Daafaca kooxda Barcelona ee Yerry Mina ayaa lagu soo waramayaa in uu dalab ka helay kooxda premier League ka ciyaarta ee Man United (Talkteam).
