Alvaro Morata Oo ugu dambeyn aqbalay inu ku biro kooxdan?

Xiddiga reer Spain ee Alvaro Morata ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Ac Milan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin waxa jirta hal dhibaato oo Milan ka hor istaagaysa in ay hesho saxiixa xiddiga reer Spain.

Milan oo doonaysa in ay samayso saxiixyo ay ku xoojiso kooxda ayaa doonaysa xiddigan ilaa xagaagii hore Laakiin dhibaatada ayaa ah in ay kooxda chelsea dalbanayso lacag dhan 65 ilaa 70 milyan oo euro.

Rossoneri ayaa si aad ah u doonaysa in ay la soo saxiixato weeraryahan weyn xagaagan waxana sidoo kale diirada u saaran weeraryahanka kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain.

Shabakada Sky Italia ayaa sheegaysa xalay in agaasimaha cusub ee kooxda Ac Milan la xiriiray Alvaro Morata si uu ugu qanciyo in uu ku soo laabto Serie A-da kuna biiro Milan markan.

Xiddigii hore ee kooxda Juventus ayaa doonaya in uu ku laabto Italy waxana uu ogolaaday in uu ku biiro Laakiin Blues ayay tahay in ay hoos u dhigto qiimaha ay dalbanayso ee 65 ilaa 70 miilyan ee euro.

Higuain ayaa ah dookh miiska u saaran Ac Milan si la mid ah xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Monaco ee Radamel Facao kaas oo isna muujiyay xiisaha uu u qabo in uu u ciyaaro Milan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

FIFA oo ku dhawaaqday goolkii ugu fiicnaa koobkii Aduunka.

Read Next

Wargeysyada Caalamka iyo Ciyaaraha Waxa ay ka Qoreen Maanta.