WAREYSI: Madaxweynaha DDSI oo la kulmay Saraakiisha ONLF.

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Mustaf ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socday Jabhadda hubeysan ee ONLF, Waxaana ay kala saxiixdeen heshiisyo.

Qodobadda ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:

In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF.

In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;

In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;

In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;

In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;

In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;

In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.

ONLF oo dagaal ku jirtay Muddo tobanaan sano ah ayaa dhawaan ku dhawaaqay Xabad joojin, ka dib Codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Hadaba Heshiiskaas iyo wuxuu salka ku hayo ayaan ka wareysanay Afhayeenka ONLF C/Qaadir Hirmooge Cadaani.

Mustaqbal media

Read Previous

Sawirro: Taliye Indho-Qarshe oo kormeeray Isbitaalka Xooga dalka iyo Villa Baydhabo.

Read Next

Itoobiya oo sheegtay in sharciga la horgeynayo Madaxweynihii hore ee degaanka Somalida