Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay shacabka wajahayaan xaalad adag oo nololeed oo ka dhalatay dagaalka maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka socday.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in isgaarsiinta magaalada ay go’antahay, taasi oo sii adkeynaysa xiriirka bulshada.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya Beledxaawo waxay sheegayaan in xaaladda deggan tahay, balse weli ay is hor fadhiyaan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, lana filan karo dagaal.
Gudaha magaalada Beledxaawo waxaa ku sugan ciidanka Jubbaland, halka askarta dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ku sugan yihiin Xerada UK.
Gobolka Gedo ayaa mar kale wajahaya saameynta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, iyada xiisado ka taagan yihiin Magaalooyinka Beledxaawo iyo Doolow.
Mustaqbal
