Dagaal mar kale ka dhex qarxay Thailand iyo Cambodia

Khilaafka u dhexeeya dalalka Thailand iyo Cambodia ayaa dib uga qarxay inkastoo ay labada dal toddobaadkan ku heshiiyeen xabbad-joojin lagu soo afjaro dagaal culus oo socday shan maalmood.

Dowladda Thailand ayaa ku eedeysay Cambodia inay si ula kac ah u jebisay xabbad-joojinta la isku raacay Isniintii, taas oo la doonayay in lagu joojiyo duqeymo iyo weerarro hub culus oo sababay dhimashada ugu yaraan 33 qof iyo barakicinta kumannaan kale.

Milatariga Thailand ayaa sheegay in ay joojiyeen rasaasta saqda dhexe, balse ilaa saaka ay weli la kulmayeen weerarro ka imanaya dhanka Cambodia.

Dhanka kale, wasaaradda difaaca Cambodia ayaa u sheegtay wakaaladda wararka AFP inaysan jirin wax dagaal ah tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay.

Shir ay ku balansanaayeen saraakiisha ciidamada labada dhinac oo qeyb ka ahaa heshiiska nabadeed ayaa dib loo dhigay laba jeer, waxaana laga cabsi qabaa inuusan gabi ahaanba dhicin.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay bishii May markii askari Cambodian ah lagu dilay dagaal ka dhacay xuduudda, halka ay toddobaadkii hore xaaladdu kasii dartay kadib markii shan askari Thai ah ay ku dhaawacmeen qarax miino, taas oo sababtay in Thailand xirto qaar ka mid ah xuduudaha, dibna ugu yeerto safiirkeedii Phnom Penh.

Weeraradii ugu dambeeyay ayaa sababay dhimashada rayid badan iyo barakicinta tobannaan kun oo qof, iyadoo xaaladda xuduuddu weli tahay mid kacsan.

Mustaqbal

 

 

MM News

Read Previous

Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya dhinaca Amniga iyo ilaalinta Midnimada

Read Next

Wararkii u dambeeyay xaaladda Beledxaawo