Warar dheeraad ah: Qaraxa Muqdisho

Tiro dad ah ayaa ku dhintay weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Sawirro laga qaaday Xarunta Degmada ayaa muujinaya bur bur xoog leh oo soo gaaray dhismaha Xarunta Degmada iyo guryaha ka agdhow.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Degmada ay wax yeello ka soo gaartay qaraxa maanta dhacay.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku howllan daabulidda dadka waxyeellada soo gaartay.

Labadii Bishan ayaa Qarax uu fuliyay qof watay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lagu bur buriyay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay dhagax dhigay Xarunta Degmada Howlwadaag,waxaana maanta qarax kale lala beegsaday Xarunta Degmada Hodon.

Mustaqbal media

Read Previous

Qarax ka dhacay Muqdisho

Read Next

Sawirro: Qaraxa Degmada Hodon