Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in wakiilada Beesha Caalamka kulan ay fadhi gaarka ah ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho si ay uga arrinsadaan Xaaladda Cakiran, diidmada joogtada ah ee muddo dheereysiga Golaha Shacabka BFS & ka go’aan gaarista qorshaha xiga.
Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho ayaa Dalalka ay kasoo jeedaan oo xubno ka kala ah Ururro kala duwan Sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika & Midowga Yurub ayaa kahor yimid muddo dheereysiga Hay’adaha muddo xileedka sharciga ah ka dhammaaday iyaga oo fakiraya dhabbaha u furan si xal loogu helo xaaladda cakiran ee Doorashooyinka Soomaaliya.
Xubnahaan ayaa maskaxda ku haya Shirkii Natiijo la’aanta ku dhammaaday oo ay la qaateen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 17-kii April 2021, maadaama Beesha Caalamka kahor go’aanka Golaha Shacabka caddeysay in aysan taageeri doonin muddo kororsi.
Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya James Swan oo kaashanaya qaar kamid ah Safiirada Dalalka qaar sida UK ayaa howshaan xooggeeda si natiijada kasoo baxda uu markale ula wadaago Xoghayihiisa Antonio Guterres.
Beesha Caalamka ayaa ku caajistay kulamada aan dhammaadka & meel ka gudubka lahayn ee Soomaalida, muddo 40-cishe waxa ay ku howlaneed dhexdhexaadinta Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada oo isku fahmi waayay dhaqangelinta Heshiiskii ay saxiixeen 17-kii September 2020.
Shirkii Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo Natiijo la’aan ku soo dhamaaday.
Mustaqbal
