Burcad Koofur Afrika ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed.

Burcad hubeysan oo weerartay Goob Ganacsi oo ku taalla Tuulada Khayelitsha Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa toogatay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo AUN Maxamed Cabdullaahi.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobta gaarin Ciidamada Booliiska, balse saraakiisha ayaa diiwaangeliyay xogta Marxuumka, marqaatiyaasha & halka lagu dilay si baaristooda kadib ay ugu daraan natiijada usoo baxda.

Mid kamid ah Ganacsatada Soomaalida ee Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in Todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada lagu beegsanayo Ajaanibta oo ay qayb ka tahay Soomaalida.

Dhalinyarada dilka geysata ayaa kooxo kooxo u socda waxa ay beegsadaan Goobaha Ganacsiga waqtiyada mashquulka badan (Saxmadda) ka jirto iyaga oo iska dhiga in ay ka dukaameysanayaan kadib waxa ay toogtaan howlwadeennada Meheradda.

Waa dhib & naadir in Booliiska Koofur Afrika uu macluumaad dib ugu soo celiyo Jaaliyadda Soomaalida Natiijada kasoo baxda Baaristooda, haddii ay dad u qabteen & magdhaw ay bixiso Dowladda maadaama canshuur bixiyaal ay yihiin.

22-kii April 2021 Khamiistii, Koox burcad ah ayaa isla Cape Town ku toogatay AUN Maxamed Cabdullaahi Gacaney, Booliiska Koofur Afrika ayaa 13-kii Febaraayo 2021 ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay labo ruux oo midkood ah madaxa kooxaha burcadda ah ee dilka, dhaca & Dhaawaca u geysta Ajaanibta kadib markii marar badan xogtooda loo gudbiyay Hay’adaha amniga.

Booliiska Koofur Afrika oo qabtay Rag hoggaamiya Burcadda Dilka & Dhaca u geysata Ajaanibta.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Wakiilada Beesha Caalamka oo kulan ku leh Muqdisho!

Read Next

Deputy Minister of Defense: “AMISOM has no right to monitor troop movements”.