Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi
Hay’adaha ammaanka Koofur Afrika ayaa ku guuleystay in ay qabtaan labo ruux oo midkood ah madaxa kooxaha burcadda ah ee dilka, dhaca & Dhaawaca u geysta dadka ajaanibta ah ee kunool Dalkaas oo Soomaalidu qayb ka tahay.
Booliiska ayaa loo fududeeyay xogta raggaan oo ay ku rood joogeen muddo, maadaama kiisaskooda marar kala duwan laga diiwaangeliyay saldhigyadooda, waxayna ugu dambeyn gacanta ku dhigeen burcaddaan.
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ee Koofur Afrika ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidamada ammaanka ay wali ku raad-joogaan xubno kale oo katirsan Kooxaha dhaca & boobka geysta oo bilooyinkii lasoo dhaafay kiisas kala duwan laga diiwaangeliyay.
Laamaha ammaanka weli ma aysan faah-faahin, balse qaar kamid ah Dadka Ganacsatada oo ay la hadleen waxa ay u sheegeen in ay maxkamadeynayaan si ciqaabta dambiga ay geysteen u maraan si ay ugu tusaale qaataan kooxaha kale.
Koofur Afrika waxaa ku badan Dilalka loo geysto Ajaanibta u ganacsi tagtay Dalkaas, waa markii labaad oo Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigaan rag ku eedeysan burcadnimo oo u dhashay Dalkaas.
Ajaanibta ugu badan ee ku ganacsatada Koofur Afrika waxa ay u kala dhasheen Soomaaliya, Itoobiya, Nigeria, Pakistan, India, Eritrea & Dalal kale, dhammaantood waa canshuur bixiyaan, balse xiliyada lagu dhibaateeyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin waxa ay waayaan cadaalad.
Mustaqbal.
