Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Shir maanta oo sabti ah magaaladda Muqdisho ay ku yeesheen wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday natiijo ka dib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen qodobadii loogu dooday.
Sida ay Mustaqbal ogaatay safiirada dalalka Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa si gaar ah Madaxweyne Farmaajo ula wadaagay fariimo ay ka sideen dowladahood – taas oo ah hadii ay madaxda Federaalka isku dayaan mudo korin in ay ka fariirsanayaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya isla markaana ay cunaqabataynayaan kuwa ku lugta leh mudo kordhinta.
Dhanka kale, intii kulanku socday, diblumaasiyiinta ayaa si cad ugu sheegay Farmaajo in aysan taageeri karin muddo kororsiga “maadaama ay su’aal ka taagan tahay hanaanka sharci ee loo marayo” iyo in ay muddo xileedkii ka idlaatay Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in Dowladiisu ay ku qanciwaysay Puntland iyo Jubbaland in dalka laga hirgaliyo doorasho dadban hadana uu ixtiraamayo sharciga jihaynta doorashada ee ay ansixiyeen golaha shacabka isaga oo ku dooday in beesha Caalamku ka yarayso Dowladiisa cadaadiska loolana macaamilo sidii Dowlad u madax banaan arimaheeda guddaha.
Sida ay Mustaqbal ogaatay Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay wakiiladda beesha Caalamka in dowladiisu ay diyaarisay ciidamo guluf dagaal ku qaada gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbada dhexe si dalka looga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah.
Intaas ka dib wakiilada beesha Caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa isku fahmi waayay qodobada miis la soo saaray waxaana shirkaasi ku soo dhamaaday Natiijo la’aan.
Mustaqbal Media.
