MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo qeyb ka noqon doona soo dhaweynta Markabka qodaya Shidaalka ee Çağrı Bey.
Mas’uuliyiinta Turkiga ee la filayo in ay yimaadaan Muqdisho waxaa ugu horreeya Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.
Safarka Markabka ayaa qaatay 53 maalmood tan iyo markii uu ka soo ambabaxay koonfurta Turkiga bartamihii bishii Febraayo, waxaa lagu soo dhoweyn doonaa munaasabad heer sare ah oo ka dhici doonta Muqdisho.
Ceelka ugu horreeya ee la qodayo ayaa loo bixiyay magaca Soomaaliga ah ee Curad, si loogu muujiyo inuu yahay ceelkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga qodo biyaha dalka.
Sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Turkiga, Hawlgalku wuxuu socon doonaa 288 maalmood, iyadoo la qodi doono ceelka oo guntiisa gaareyso7,500 mitir oo isugu jirta biyaha iyo dhulka badda hoosteeda.
Howlgalka Qodista Shidaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona maraakiibta dagaalka ee Ciidanka Badda Turkiga oo ay saaran yihiin ilaa 500 oo shaqaale ah oo isugu jira khubaro iyo farsamo-yaqaanno.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tillaabada qodista Shidaalka ku tilmaamtay mid lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka iyo abuurida fursado horumarineed.
Mustaqbal
