Sanbaloolshe “In Shabaab lala safto ma ahan siyaasad mucaaradnimo.”
Waxaa maalintii labaad xiran waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho, xilli uu Dalka ku sugan yahay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Caasimadda soo gaaray subaxnimadii hore ee Talaadada.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xiray Waddooyinka Wadnaha, Makka Al-Mukarrama iyo agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amniga Wafdiga uu hoggaaminayo Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Waxaa gabi ahaan xirmay goobaha Waxbarashada sida Jaamacadaha iyo Schoolada, iyada uu isusocodka waddooyinka waaweyn ee Caasimadda la hakiyay, shacabka Magaalada Muqdisho ayaa maalaya cagahooda, waxaana jiro waddooyin dhif ah oo ay ka shaqeeynayaan Mooto Bajaajta.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Amniga qaabilsan ayaa sheegay in muddo kooban ay xirnaanayaan waddooyinka sababo la xiriira wafdiga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Caasimadda ku sugan, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta la furo.
Mustaqbal
