Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta lagu soo dhaweynayo Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee safarka dhulka ah uga soo baxay Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga waxaa qayb ka ah Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Saraakiil ciidan, Wasiirro u badan kuwa federaalka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay kusii jeedaan Magaalada Gaalkacyo.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa sare loo qaaday, waxaana bannaanka iyo gudaha Magaaladaas lagu dhajiyay sawirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ereyo muujinaya soo dhaweyntiisa.

Galmudug ayaa horay uga hor timid digniin ka timid dhinaca Maamulka Puntland oo la xiriirta in ay awood ciidan uga hortagayaan safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maamulka Aadan Madoobe oo dareemaya culays Amni

Read Next

DFS oo sheegtay in dagaalka Baydhabo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo katirsan AS