Baarlamaanka Soomaaliya oo loo gudbiyay nidaamka lagu dhisayo Hay’ad u xilsaaran Dakhliga Dalka
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii saakay waqti hore ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koofur Galbeed lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo katirsan AS
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ay kahor tageen duullaankaas oo ay shaacisay in lagu doonayo in qalqal lagu geliyo nabadgalyada sida ay hadalka u dhigtay.
Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Baydhabo isaga baxay ayaa sheegtay in uu duullaankaas ku qaaday Magaaladaas, halka Dowladdu ay tilmaamtay in ay dagaalkaas la gashay xubno katirsan ‘AS’
Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS:

Ciidamo taabacsan Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhowr jeer weerarro ka gaystay duleedka Magaalada Baydhabo, waxa ay iska caabbin kala hortageen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka talada haya ee Koofur Galbeed.
Mustaqbal
