Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta lagu soo dhaweynayo Magaalada Gaalkacyo
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay waqti hore ka dhacay ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda uu dhaliyay khasaara isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti.
Warka ayaa intaas lagu daray in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed in ay kahortageen duullaankaas lagu qaaday magaalada Baydhabo isla markaana ay khasaara gaarsiiyeen ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intaas ku daray in maydadka xubnaha duullaankaas soo qaaday in ay weli yaalllaan duleedka bannaanka Magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ilaa hadda ay ka wadaan howlgallo sida qoraalka lagu sheegay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
