Sanbaloolshe “In Shabaab lala safto ma ahan siyaasad mucaaradnimo.”
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shaaciyay in shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin la safitaanka Al-Shabaab.
Agaasimihii hore NISA Sanbaloolshe ayaa hadalkiisa daarnaa dhaqdhaqaayo ay wadeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Laftagareen kuwaas oo weerar ku soo qaaday subaxnimadii hore ee saaka magaalada Baydhabo, iyaga oo weerarkaas ku bilaabay qaraxyo.
“In Shabaab lala safto ama lagu garab siiyo dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ma ahan siyaasad mucaaradnimo, mana aha arrin ay bulshada Soomaaliyeed aqbali karto,” sida uu ku yiri Sanbaloolshe qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.
Agaasimihii hore ee NISA ayaa sheegay in qofkasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay in dowladda, dhammaan xoogagga mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ay mabda’ ahaan ku midoobaan in Al-Shabaab iyo kooxaha argagixisada ay yihiin cadawga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Mabda’ ahaana, mucaaradnimadu waa xaq siyaasadeed oo dastuuri ah, balse marnaba ma noqon karto cudurdaar lagu taageero, laguna garab istaago amaba lagu fududeeyo falalka argagixiso ee Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu ku sii yiri qoraalkiisa.
Sanbaloolshe ayaa qoraalkiisa ku soo gababayeeyay, “Waa in qof, koox ama qabiil midna u heli karin wax cudurdaar ah inuu Al-Shabaab garab siiyo, ku taageero ama u fududeeyo falalkooda argagixiso.”
Mustaqbal
