Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Waxaa maanta lagu wadaa in uu dib u billowdo wadahadallada u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka oo saddex qayb ku tagaya madasha wadaxaajoodka ee garwadaynta ka tahay Dowladda Turkiga.
Maalmihii lasoo dhaafay oo nasiino ay ku dheehan tahay wadatashi ayay ku maqnaayeen dhinacyadaan kawada hadlaya qorshaha Mustaqbalka Doorashada Dalka uu aadayo iyaga oo sidii hore isaga soo dhawaanaya sida ay ku warrameen ilo ku dhow.
Wadahadalka waa mid lagu doonayo in lagu jiheeyo nooca doorasho, qaabka ay u dhacayso iyo waqtiga ugu macquulsan ee lagu qaban karo iyada oo aanay meesha ka marnayn guddi farsamo oo howshaas saldhigi doonna sida xogaha Mustaqbal ay heshay ay muujinayaan.
Saddexda garab ee Mucaaradka oo kala ah Golaha Mustaqbalka, Golaha Midnimo Qaran & Nabad iyo Nolol ayaa laga sugayaa in ay isku mowqif ka noqdaan doorashada ama ugu yaraan ay isu soo dhawaadaan maadaama go’aanka Dowladdu uu yahay mid cad.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
